Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare Oo Maanta Ku Wajahan Baledweyne
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta ku wajahan Magaalada Baledweyne ee Xarunta maamulka Gobolka Hiiraan
Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweyne Waare ee saacadaha soo socda la filaalayo in ay gaaraan Baledweyne ayaa waxaa qeyb ka noqon doona Xildhibaanada maamulkaasi Hirshabeelle iyo Golaha Wasiirada.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa marka uu tago Magaalada Baledweyne ayaa waxaa lagu wadaa in uu la kulmo Odayaasha Dhaqanka Baledweyne ku sugan waxa uuna kala hadli doonaa sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Munaasabada lagu Caleem Saarayo.
Waxaa sidoo kale la filayaa Madaxweynaha inta uu ku sugan yahay Magaalada Baledweyne in uu booqan doono Xarumaha kala duwan ee maamulkaasi.
Magaalada Baledweyne ee Xarunta maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa laga dareemayaa Diyaar garoow xoogan oo lagu soo dhaweeynayo Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cadi waare iyo wafdigiis oo maanta halkaasi ku wajahan.
Comments are closed.