Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare Oo Maanta Gaaray Buulo-burde
Waxaa maanta Magaalada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan gaaray Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Wafdiga uu hogaaminayay Madaxweyne Waare ayaa waxa ay ka soo ambabaxeyn Magaalada Baledweyne waxaan lagu soo dhaweeyay Magaalada Buulo-burde halkaasi oo iminka kulan kula leeyahay maamulka Magaalada.
Ammaanka Magaalada Buulo-burde, ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana amniga iska kaashanaya Ciidamada AMISOM iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Magaaladaasi.
Comments are closed.