Madaxweyne Lafta-gareen oo kulan xasaasi la qaatay Guddiga Farsamada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Lafta-gareen oo kulan xasaasi la qaatay Guddiga Farsamada

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xalay kulan la qaatay Guddiga Farsamada ee dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ku sugan Baydhabo.

Kulanka Madaxweyne Lafta-gareen iyo Guddiga ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guurka iyo muranka ka taagan qabsoomida doorashooyinka dhacaya.

Madaxweynaha ayaa Guddiga warbixino kala duwan ka siiyay shirarkii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee looga hadlayay khilaafka doorashada iyo heerarkii kala duwanaa ee shirarka soo mareen.

Sidoo kale Lafta-gareen ayaaa Guddiga Farsamada ee shirka uga socda Magaalada Baydhabo kula dardarmay inay ka qeyb noqdaan sidii loo fulin lahaa heshiiskii 17-kii September 2020 laga gaaray doorashada.

Guddiga Farsamada oo ka kooban 14-xubnood ayaa shalay waxaa shir looga arrinsanayo  qodobada lagu mari waayay ee shirkii dhawaan Madaxda dowladda, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku yeesheen Dhuusamareeb uga furmay Baydhabo, iyadoona furitaanka uu qadka Internet-ka uga qeyb galay RW Rooble.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.