Madaxweyne la hadlaya wariyaal oo uu nin tuugsanaya gacanta usoo taagtay (Muxuu Sameeyey?) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne la hadlaya wariyaal oo uu nin tuugsanaya gacanta usoo taagtay (Muxuu Sameeyey?)

Mareeg.com: Madaxweynaha dalka Uruguay, José Mujica oo salaasadii la hadlaya weriyaasha waxaa u soo galay nin tuugsanaya, wuxuuna ku yiri “Isii lacagta macdanta ah ee aad heyso”.

Madaxweynaha ayaa ku jawaabay “Ma hayo lacag macdan ah, hase ahaatee qaado lacagtaan xaashida ah”.

Ninkii ayaa qeyliyey oo yiri “Waxaan jeclahay inaad waligaa madaxweyne ahaato”, markaa ayaa madaxweyne José Mujica oo quslaya ku jawaabay “Maya Maya, waxaad tahayn nin waalan!”.

Madaxweynaha dalka ku yaallada Latin America ee Uruguay, José Mujica ayaa lagu sheegaa inuu yahay madaxweynaha ugu saboolsan dunida, wuxuuna mushaarkiisa siiyaa dadka saboolka ah.

Madaxweyne José Mujica ayaa degan guri heerkiisu hooseeyo, wuxuuna wataa gaariga Soomaalidu u taqaanay Fatuuro Kuusey, kaasoo mar hore laga tegay.

Halkaan ka daawo Video qisadan ku saabsan, kaasoo ay ledahay CNN Arabic.

http://arabic.cnn.com/videos/2014/11/26/wd-261114-president-uruguay-gives-money-apanhandler

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!