Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Sudan Cali Cusman Daha Oo Iscasilay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Sudan Cali Cusman Daha Oo Iscasilay

Khartoum, Mareeg.com: Madaxweyne ku xigeenkii dalka Sudan Cali Cusmaan Muxamed Daha ayaa is casilay, iyadoo madaxweynaha dalkaas Cumar Xasan Albashiir uu beeniyey in labada mas’uul khilaaf soo kala dhexgalay.

Cali Cusmaan Daha ayaa markii uu is casilay sheegay inuu xilka uga tegay si u horseedo isbadel cusb, waxaana madaxweyne Albashiir dad isugu soo baxay magaalada Kharduum u sheegay in Daaha isu casilay si booska ugu baneeyo dhaliinyarada.

Cali Cusmaan Daha ayaa ka mid ah raga ugu sarsareeya hogaankii Islaamiyoonta ee ee sandkii 1989-kii afgembiyey dowladdii uu hogaaminayey Saadaq Al-mahdi.

Markii uu khilaafkuu ka dhex dhashay xisbigii Islaamiyiinta ayuu Daha la saftay madaxweyne Cumar Al-bashiir, wuxuuna ka leexday garabkii Xasan Al-turaabi oo ahaa madaxa Islaamiyiinta, kaasoo dhowr jeer la xiray.

Daha oo muddo hayey xilka madaxweyne ku xigeenka ayaa ka degay sanadkii 2005, si booska ugu baneeyo hogaamiyihii Dhaqdhaqaaqii Xoreynta Sudan ee SPLA ee la oran jiray John Grang kadib markii la gaaray heshiis nabadeed.

Daha wuxuu xilka madaxweyne ku xigeenka mar labaad qabtay sanadkii 2011 kadib markii Koonfurta Sudan ka go’day dalweynaha Sudan.

Madaxweyne Al-bashiir ayaa sheegay in dhawaan uu ku dhawaaqi doono xukuumadda cusub, taasoo isbadel weyn lagu arki doono sida uu yiri.

Isabedelka ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay carada shacabka Sudan oo debadbaxyo dhimasho iyo dhaawac keenay sameeyey kadib markii dowladda joojisay lacago ay ku kabi jirtay shidaalka, waxaan dowladdu dooneysaa iney dadka dejiso.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.