Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ku dhacay Cudurka COVID-19 * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ku dhacay Cudurka COVID-19

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Seylici ayaa shaacisay inuu ku dhacay Cudurka COVID-19, isla markaana uu saddexdii maalmood ee la soo dhaafay la tacaalayay Cudurka.

Qoraal uu bartiisa twiitter-ka soo dhigay Cabdiraxmaan Seylici ayuu ku sheegay in cudurku ku dhacay isagoo ku booriyay dadka inay ay raacaan tilmaamaha Wasaaradda Caafimaadka kaga imaanaya.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa waxaa uu Alle Caafimaad u weydiyay inta la xauunsan Cudurka safmareynka ah, isagoona Qoraalkiisa sii  raaciyay in xaaladiisa sidii hore ay ka wanaagsan tahay hadda.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay inay jiraan dad farabadan oo uu ku dhacay Cudurka COVID-19 oo la geliyay xaalad karantiil ah, halka kuwo kalen oo uu horey ugu dhacay ay u geeriyoodeen xanuunka.

Cudurka COVID-19 oo dunida dhibaato ba’an ku haya ayaa maalmahana dambe ku soo laba kacleeyay qaar ka mid ah degaannada Soomaalida, waxaana la sheegayaa in dadka shacabka ah aysan ka feejignaan cudurka halistiisa.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.