Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug oo loo doortay Maxamed Xaashi Cabdi

Doorashada madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmadug ayaa waxaa ku guuleystey Maxamed Xaashi Cabdi kadib markii wareegii saddexaad uu helay codad gaaraya 40 cod.

Xilka Madaxweyne ku xigeenka Dowlad gobaleedka Galmudug ayaa waxaa wareegga Sadaxaad ku tartamayay laba musharax ee kala ah Maxamed Xaashi Cabdi iyo Bashiir Diiriye Shariif.

Hase yeeshee Maxamed Xaashi Cabdi ayaa helay codad gaaraya 40 cod halka uu ka helay musharaxii la tartamayay codad gaaraya 36 cod

Guddomiyaha Baarlamanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Cabdi oo ka hadlay gabagabada doorashada madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Dowlad gobaleedka Galmudug ayaa u mahad celiyay dhamaan qeybihii kala duwanaa ee ka qeyb qaadatay habsami u socodka doorashada maamulka Galmudug.

Doorashadii Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa duhurnimadii waxaa ku guuleystey C/kariin Xuseen Guuleed kadib markii uu dheeraaday codad gaaraya 9 musharixii la tartamayay ee Axmed Macalin Fiqi.