Madaxweyne ku xigeenka jubbaland oo ku wajahan garbaharey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne ku xigeenka jubbaland oo ku wajahan garbaharey

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta ku wajahan Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo,halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen rabshado.

Rabshadaha maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Magaalada garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa looga soo horjeeday maamulka uu hogaamiyaha ka yahay Axmed Madoobe.

Ujeedka uu maanta garbahaarey u gaaraayo Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxa ay tahay sidii uu u qancin lahaa Shacabka ku dhaqan garbahaarey,kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay waday rabshado looga soo horjeedo maamulka jubbland.

Waxaa shalay garbahaarey ka dhacay banaanbax xoogan ay oo dhigayeen dad badan oo isugu soo baxay gudaha Magaalada,kuwaasi oo hojeeday Wasiiro ka tirsan jubbaland oo gaaray garoonka diyaaradaha garbahaarey,waxaana kamid ahaa wasiiradii gaaray halkaasi Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Jubbaland Xirsi Gaani iyo Wasiirka Qorsheynta Jubbaland Aw Xirsi.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa lagu wadaa markii uu gaaray Magaalada garbahaarey in uu kulamo kala duwan la qaadan doono mas’uuliyiinta maamulka Degmada,waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalad garbaharey ee ka soo horjeeda maamulka jubbaland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!