Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo Ingiriiska uga dhawaaqay hay’ad samafal

Read Time:1 Minute, 31 Second

Mareeg.com: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska kaga dhawaaqay urur sama fal la magac baxay Samadoon Foundation, iyadoo ururkan cusub uu diiradda saari doono arrimaha dib u heshiisiinta, waxbarashada iyo caafimaadka.

Xaflada ku dhowaaqidda Ururkan sama fal ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde, Gudoomiyaha Magaalada Bristol George Ferguson iyo Gudoomiyaha ururkan Samadoon Foundation Prof. Warfaa Xasan.

Gudoomiyaha Guud ee Ururkan Prof. Warfaa Xasan oo ugu horeyn ka hadlay waxyaabaha uu qaban doono ururkan ayuu sheegay inuu diiradda saari doono dib u heshiisiinta, waxbarashada iyo caafimaadka oo ah adeegyada aas aasi u ah bulshada.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo howlo waxbarasho u jooga dalka Ingiriiska ayaa sheegay inuu muddo fog ka shaqeynayay sidii uu ururkan u dhisi lahaa, isla markaana ka baaraan-daggiisana uu bilaabay markii uu tagay magaalada Boston, kadibna Uganda iyo Imaaraadka Carabta.

“Markaan la tashiyo badan sameeyay aanan u arkay in loo baahan yahay in aan wax ka qabano, inuu sameeyay ururkan samafal oo howlihiisu ay ka mid yihiin in la helo dib-u-heshiisiinta dhab ah; calooshana la isku furo. Waxaa kaloo ka mid ah howlaha uu ururkan qaban doono, wax ka qabashada horu-marinta waxbarashada dalka baahi weyn loo qabo iyo caafimaadka oo isna ka mid ah waxyaabaha ay bulshada Soomaaliyeed dhibaatada wey u qabto, gaar ahaan dhallaanka iyo hooyada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu ururkan samafalka ah ka madax-bannaan yahay siyaasadda, isagoo goobta u mahad-celiyay gabi ahaan madaxdii kasoo qaybgashay xafladda, fanaaniinta, bahdda saxaafada iyo dadweynihii kale ee goobjoogga ahaa.

Haddii aad faah-faahinno dheeraad ah oo ku saabsan ururkan samafalka ah u baahato, booqo; http://www.samadoonfoundation.org/home.html. 

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %