Madaxweyne Geelle "Waxey iila egtahay in wax ka khaldanyihiin dastuurka Soomaaliya" * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Geelle “Waxey iila egtahay in wax ka khaldanyihiin dastuurka Soomaaliya”

Mareeg.com: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay iney lagama maarmaan tahay in laga fariisto dastuurka Soomaaliya, si meeha looga saaro khilaafka mar kasta soo kala dhexgalo madaxweynaha iyo R/wasaaraha.

Madaxweyne Geelle ayaa xusay iney ula egtahay in wax ka khaldan yihiin dastuurka haatan jira ee Soomaaliya “Aniga waxey iila egtahay in dastuurka wax ka khaldan yihiin, ayna muhiim tahay in laga fariisto oo la saxo” ayuu yiri madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle.

Dhanka kale, madaxweynaha Jabuuti ayaa ku taliyey in lacagaha lagu bixiyo AMISOM loo weeciyo ciidamada Soomaaliya.

“Waxaa haboon in afar meelood meel ka mid ah lacagaha lagu kharash gareeyo AMISOM loo weeciyo ciidamada Soomaaliya oo lagu tababaro” ayuu yiri madaxweyne Geelle oo u warramay VOA.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa dedaal badan ku bixiyey si xal looga gaari lahaa dhibaatada dalka Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!