Madaxweyne Galmudug Guuled oo Groonka Moqdisho lagu soo dhaweeyey

Read Time:36 Second

garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa mar dhow ka soo degay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo xaalad Caafimaad ugu maqnaa dalka Hindiya.

Cumar Cabdirashiid oo ah Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya , Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya, Xildhibaano iyo xubno kale oo bulshada rayidka ka socda  ayaa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa isbitaal kuyaala dalka Hindiya ,halkaas oo lagula sameeyay Qaliin dhinaca wadnaha, waxaana xaalada Madaxweynaha hada lasoo warinayaa in ay tahay mid wanaagsan.

Soo dhaweynta kadib ayaa Madaxweynaha Galmudug waxaa loo soo galbiyay sida aan Wararka ku heleyno xarunta Madaxtooyada Soomaaliya uu ka socdo Shirka Hogaamiyaasha Madashada Wadatashiga Qaran oo la filayo in maanta lasoo gabo gabeeyo.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.