Madaxweyne Gaas Oo Qaabilay Wafdi Heer Sare Ah + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Gaas Oo Qaabilay Wafdi Heer Sare Ah + Sawirro

Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr; Cabdiweli Mxamed Cali Gaas, ayaa Maanta oo Sabti ah Xafiiskiisa ku qaabbilay wafti uu hoggaaminayay wakiilka gaarka ah ee  IGAD u qaabbilsan Soomaaliya Dr; Mohamed Guyo iyo ku xigeenka Madaxa arrimaha Siyaasadda Soomaaliya UNSOM Mr. Raisedon Zenenga.

Madaxweynaha Puntland kulanka uu la qaatay IGAD iyo UNSOM waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo horumarinta reer miyaga, Wasiirka Haweenka iyo Saraakiil kale.

kulankan ay yeesheen Madaxweynaha Puntland iyo wafti ay hogaaminayeen wakiilka gaarka ah ee  IGAD ee arrimaha Soomaaliaya ayaa waxaa looga ahadlay amniga guud ee Gobolka, xaaladaha Bina’aadannimo iyo siyaasada Soomalaiya.

Dhinca kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in maamulkiisu uu marwalba u taagan yahay sidii loo heli lahaa Dowladnimo Soomaaliyeed oo buuxda, kuna dhisan sinnaan iyo  caddaalad, iyo sidii Soomaaliya xaaladdeeda guud ee amni wax badan looga baddeli lahaa.

Sidoo kale wakiilka  gaarka ah IGAD u qaabbilsan arrimaha Soomaaliaya Dr; Mohamed Guyo iyo ku xigeenja arrimaha Siyaada Soomaaliya UNSOM Mr; Raisedon Zenenga, ayaa Puntland ku ammaanay doorka iyo kaalinta  siyaasadeed ee ay ka qaadatay nabada, xasilinta, is-dhexgalka iyo sidii loo abuuri lahaa jewi nabdeed oo soo Af-jara dhibaatadii dheereyd ee ay soo martay Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Dr; Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa Beesha caalamka uga mahad celiyey doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato wax ka qabashada arrimaha Soomaaliya  gaar ahaaan amniga iyo siyaasadda, wuxuuna sidoo kale kula dar daarmay  inay sii xoojiyaan  waddada loo marayo sidii Soomaaliya loogu toosin lahaa jidka nabadda.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!