Madaxweyne Gaas oo oggolaaday Qorshaha Heshiiska Nabadda, balse diidan La-kulanka dhigiisa Galmudug. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Gaas oo oggolaaday Qorshaha Heshiiska Nabadda, balse diidan La-kulanka dhigiisa Galmudug.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas oo barqanimaddii maanta Kulan la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee Waqooyiga Gaalkacayo ayaa oggolaaday Heshiiska Nabadda Gaalkacayo, oo uu Ra’isul-wasaare Omar Abdirashid soo bandhigay.

 

Heshiiskaasi waxaa horey u oggolaaday Madaxweynaha Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed, waxayna kala yihiin qoddobadaasi:

 

-Xabbad joojinCiidamada oo la kala qaadoDadkii qaxay oo la soo celiyoWada hadal dhab ah oo la galo

 

Dhinaca kale, Madaxweyne Gaas ayaa weli ka biyo-diidsan inuu si toos ah ula kulmo Dhigiisa Galmudug, inkastoo ay haatan Ergo Caalami ah cadaadis ku saarayaan sidii uu u oggolaan lahaa Wada-xaajood uu la galo C/kariim Guuleed.

 

Wafdiga Caalamiga ee Gaalkacayo gaaray waxaa ka mid ahaa Nicholas Kay, Ergayga EU-da ee Somalia, Safiirka Britain u joogta Somalia, Jeneral Gabre iyo Madax ka socota Ururka IGAD

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!