Dhageyso:-Madaxweyne Gaas Oo Ka Hadlay Kalsoonidii Lagala Laabtay Golaha Wasiiradiisa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dhageyso:-Madaxweyne Gaas Oo Ka Hadlay Kalsoonidii Lagala Laabtay Golaha Wasiiradiisa

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa ka hadlay go’aankii Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay kalsoonidii ugala laabteen Golaha Wasiiradiisa.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inuu soo dhaweynaayo go’aankii ay qaateen Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland islamarkaana sheegay in ay awood u leeyihiin in ay kala diraan Wasiirada uu soo Magacaabo.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in uu muddo kooban ku soo Magacaabi doono Golaha Wasiirada maamulkiisa isagoona sheegay inuu la tashan doono Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland.

Dastuurka Puntland Qodobkiisa 76-aad ayaa qaba in Madaxweynaha uu fursad u haysto muddo 21 cisho ah inuu ku soo magacaabo Golaha Wasiirada maamulkaasi

 

Hoos ka Dhageyso Codka.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!