Madaxweyne Gaas Oo Ka Hadlay Duqeyn Uu Ka Badbaaday Hogaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya

Read Time:45 Second

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo la hadlay VOA ayaa ka hadlay Weerar duqeyn ah oo jimcihii lasoo dhaafay Mareykanka ay ku qaadeen buuralayda ee Gobolka Bari isla markaana duqeyntaasi uu ka badbaaday hogaamiyaha Ururka Daacish ee Soomaaliya Sheekh Cabdulqaadir Muumin.

Madaxweyne gaas ayaa sheegay in howlgalkaas ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada maamulka Puntland iyo Ciidamo Mareykan ah iyadoona lala beegsaday hogaamiyaha Ururka Daacish ee Soomaaliya  Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo dhawaan sheegay in uu ka baxay Ururka Al Shabaab.

Madaxweynaha Puntland maamulka Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday Cabdulqaadir Muumin, xogta ay ka heleen hay’adahooga amnigana ay sheegayso inuu ka badbaaday weerarkaas, balse ay Puntland ay ka go’an tahay dagaalka Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweyne gaas ayaa ugu baaqay dowlada Dhexe iyo Maamul goboleedyadda dalka ka jira in ay u midoobaan dagaalka lagula jiro Ururka Al Shabaab.

 

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %