Madaxweyne Gaas “imaartka Cid inoo Badli kartaa majirto” * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Gaas “imaartka Cid inoo Badli kartaa majirto”

Garowe ( Mareeg News ) Madaxweynaha maamulka Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo goor dhow shir jaraa`id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin  xiisada ka dhaxtaagan Soomaaliya iyo Imaaraadka iyo saraakiishii Imaaraadka ee la sheegay in lagu xanibay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.


Madaxweyne Gaas ayaa yiri “Soomaaliya iyo Imaaraadka waxaa ka dhaxeeya xariir qoto dheer isla markaana soo jireen ah”.

Gaas wuxuu hadalkiisa sii raaciyay in ka Puntland ahaan Imaaraadka ay ka caawiyeen la dagaalanka kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, taba barida ciidamada iyo maalgashi ay ka sameeyeen maagaalooyinka waa weyn ee Puntland.


Cabdiweli Gaas waxuu beeniyay in maalmo ka hor Boosaaso lagu xanibay saraakiil ka soo jeeda dalka Imaaraadka, kuwaas oo Puntland ka caawinayay taba barida ciidamada.


Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!