Madaxweyne Farmaajo” Siyaasiyiinta Soomaalida waa daneystayaal ee Dhalinyarada hakacaan”

Read Time:54 Second

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay munaasabadda 26-ka June ayaa ka hadlay xaalada dalka, taariikhda la soo maray iyo dhaliisha Siyaasiyiinta Somalida uga timaada qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed

Farmaajo ayaa sheegay in ay u timid dhalinyaro midnimo doon ah, kuwaas oo uu sheegay in ay  u sheegeen in siyaasiyiinta Soomalida yihiin kuwo daneystayaal ah, isla markaana aan ka Shaqeyn danta dadka Soomaaliyeed.

“ Dhalinyarada ii timid aad ayay noogu fogaadeen, waxay  dhaheen siyaasiyiinta danaha dadka kama Shaqeeyaan ee danahooda iyo mida guryahooda ayay ka Shaqeeyaan, waxaana idin leeyahay hadalkaas waa dhab ayuu yiri” Farmaajo.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay dhalinyarada inay istaagaan sidii Dhalinyaradii SYL oo kale oo aysan waxba ka sugin siyaasiyiin dano  gaar ah leh mararka qaarna xoog ay isticmaalaan sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Afartii sano ee la soo dhaafay waxaa uu dhowr jeer fagaarayaal eedeyn kala duwna ugu jeediyay Siyaasiyiinta ka aragti duwan sida uu ku maamulayo dalka Soomaliya.

Muqdisho-Somalia

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %