Madaxweyne Farmaajo & RW Abiy Ahmed oo caawa ka degay Nairobi (Daawo 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa caawa wadajir uga degay garoonka dayuuradaha Nairobi, iyagoo hal diyaarad ka wada raacay magaalada Addis ababa.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya, iyadoo aanu garoonka uga hortegin Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay inay wadahadallo berri u bilaaban doonaan saddexda hoggaamiye ee Somalia, Kenya iyo Itoobiya.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa waanwaan ka dhex wada dalalka Somalia iyo Kenya oo xiisad diblomaasiyadeed soo dhex gashay, isagoo huwan guddoomiyaha ururka Goboleedka IGAD

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com