Madaxweyne Farmaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Farmaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga

Muqdisho, 22 Febraayo 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga Mudane Hakan Çavuşoğlu iyo wafdi uu hoggaaminayey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada ay mar walba la garab taagantahay Soomaaliya, waxa uuna ammaanay xiriirka walaaltinnimada leh ee kala dhexeeya Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga ayaa dhankiisa uga mahadceliyey sida diirran ee ay Dowladda Federaalka usoo dhaweysay isaga iyo wafdiga la socday, wuxuuna ammaanay dadaallada dib u heshiisiineed ee ay Dowladda Federaalka ka wado dalka iyo horumarka dhanka Siyaasadda ay ku tallaabsatay.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa caddeeyey in ay fulin doonaan heshiisyadii ay Soomaaliya ku kala saxiixdeen Ankara bishii Janaayo ee sannadkan, ayna ka bilaabayaan maalgashiga Kalluumaysiga Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kala hadlay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga sidii loosii adkeyn lahaa loona horumarin lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo maalgashiga, wuxuu Madaxweynuhu ku bogaadiyey Dowladda Turkiga tababaridda, tayaynta iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliyeed si ay uga xoreeyaan dalka argagaxisada.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga ayaa sheegay in sannadkan ay kordhiyeen miisaaniyadda ay ku kabaan Dowladda Federaalka, sidoo kalena ay maalgashi ku samayn doonaan webiga Shabeelle si kor loogu qaado waxsoosaarka Beeraha Soomaaliya.

Waxaa kulanka kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiru Dowladaha Arrimaha Dibedda Mudane Cabdiqaadir Axmed Kheyr Cabdi, Lataliyaha Madaxweynaha Arrimaha Dimuqraadiyadda Mudane Maxamed Cabdirisaaq.

Dhinaca Turkiga waxaa kasoo qeyb galay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Olgan Bekar, Madaxa Hay’adda TIKA Mudane Serdar Çam, Xildhibaan Muhammed Müfit Aydın, Xildhibaan Halil Etyemez oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Turkiga.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!