Madaxweyne Farmaajo oo warqadihii aqoonsiga ka gudoomay danjire Javier Viedma (Daawo Sawirro) — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Farmaajo oo warqadihii aqoonsiga ka gudoomay danjire Javier Viedma (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Isbeyn u qaabilsan Soomaaliya Mudane Javier Garcia De Viedma.

Madaxwaynaha iyo Safiirka oo ay weheliyaan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Diblumaasiyiin ka tirsan labada dal ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo Arrimaha ay ka rajaynayso Dowladda Federaalka Soomaaliya in dowladda Isbaanishku ay kala shaqayso.

Madaxwayne Farmaajo ayaa tilmaamay in mudnaanta ay siineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka caalamiga ah, kaas oo dhabaha u xaaraya sidii Soomaaliya ay u kasban lahayd saaxiibo caalami ah oo kala shaqeeya xaqiijinta hiigsiyada la xiriira dabar-goynta argagixisada, iskaashiga dhaqaalaha iyo dhisidda ciidan Qaran oo hanan kara amniga guud ee dalka.

Danjire Javier Garcia De Viedma ayaa Madaxwaynaha u soo gudbiyey farriin uu uga siday Boqorka dalka Isbeyn Mudane Felipe Juan Pablo oo dhigeysa in ay garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!