Madaxweyne Farmaajo oo War kasoo saaray geerida Marxuum Cali Mahdi * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Farmaajo oo War kasoo saaray geerida Marxuum Cali Mahdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Cali Mahdi oo ku geeriyooday dalka Kenya.

“Waa geeri xanuun badan oo si weyn ay u wada dareemeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey.

“Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed”.

Madaxweynaha ayaa Alle u weydiinayay Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.