Madaxweyne Farmaajo oo War kasoo saaray geerda Senatar Maxamed Yuusuf

Read Time:43 Second

 

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Maxamed Yuusuf Xaaji oo ka tirsanaa xildhibaannada Aqalka sare ee Dalka Kenya.

Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska iyo ehelada Alle ha unaxariistee Senator Maxamed Yuusuf Xaaji oo xilal kala duwan oo muhiim ah kusoo matalay Soomalida Kenya, Waxaan Alle uga baryayaa in uu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiiyo. Aamiin.”

Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee difaaca dalka Kenya Senator Maxamed Yuusuf Xaaji oo xilal kala duwan kasoo qabtay Kenya ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Marxuumka lagu aaso qabuuro Muslimiinta lagu duugo oo ku yaalla Magaalada Nairobi, isla markaana waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Kenya.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.