Madaxweyne Farmaajo oo u duulay Dalka Qatar
Wafdi ballaaran uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow u duulay Magaalada Doha ee Xarunta Dalka Qatar.
Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan Magaalada Doha.
Mudane Farmaajo ayaa halkaasi kulamo kala duwan looga hadlayo xariirka labada dhinac la qaadan daana Madaxda Dowladda Qatar.
Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxweyne Farmaajo uu halkaasi ku soo saxiixo heshiisyo dhinca Dekadaha uu la galayo Dowladda Qatar.
Dowladda Qatar ayaa muddooyinkii dambe kordhisay taageerida Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Comments are closed.