
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay u ambabaxeen magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Ereetriya.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho kasii sagootiyey Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana la filayaa in halkaas ay wada hadallo lagu xoojinayo xiriirka labada dal kula yeeshaan Madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki.
Dowladda Ereteriya ayaa kamid ah dowladaha saaxiibada dhow la noqday dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,iyaga oo ku wada jira Isbaheysiga saddex geesoodka ee Eritrea iyo Itoobiya ee Is dhex galka iyo Iskaashiga Gobolka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tira ka dhowr jer ah waxaa uu tegay dalka ereteriya,isaga oo kulamo kala duwna la qaatey Madaxda dalkaas,waxaana jira iskaashi dhinaca Gobolka ah oo xilligaan ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Ereteriya.