Madaxweyne Farmaajo oo soo geba-gabeeyay booqashadii Koonfur Afrika * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Farmaajo oo soo geba-gabeeyay booqashadii Koonfur Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahaan ku sugnaa dalka Koonfur Afrika  ayaa Maanta soo geba-gabeeyay booqashadii uu ku tegay dalkaas,isaga oo casuumaad ka helay Madaxda dalkaas.

Madaxweynaha aya awaxaa uu ka qeyb galay Munaasabad lagu Caleemo saaray Madaxweynaha Cuusb ee dalka Koonfur Afrika,taas oo ay ka qeyb galeen Madax badan oo Afrikan ah,kuwaas oo Xaflada lagu casuumay.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay waxaa uu kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalooyinka Pretoria iyo Johannesburg,isaga oo kala hadlay Arrimo dhowr ah.

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Mas’uuliyiin kale,waxaana la fialayaa in saacadaha soo socda ay soo gaaraan Magalada Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!