Madaxweyne Farmaajo Oo Si Weyn Loogu Dhaweeyay Jabuuti * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Farmaajo Oo Si Weyn Loogu Dhaweeyay Jabuuti

Wafdi balaaran uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxa ay goordhow gaareen dalka Jabuuti,halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay Wafdiga Madaxweynaha.

Safarka uu ku gaaray Madaxweyne Farmaajo dalka Jabuuti ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan Golaha Wasiirada,xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya,iyagoo saakay ka ambabaxay Magaalada Muqdisho.

Ujeedka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u gaaray Jabuuti ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka soojireenka ee labada dal, horumarinta iskaashiga iyo wada jirka labada dowladood.

Dhinaca kale Madaxweynaha inta uu ku sugan yahay Dalka Jabuuti ayaa waxa uu kulamo la yeelan doonaan Madaxda ugu sareysa dalkaasi oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha dalka Jabuuti Iscmaaciil Cumar Geelle.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!