Madaxweyne Farmaajo oo Sharmal-Sheekh u tegay shirka Ganacsiga Africa
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa siweyn loogu sooo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Sharma-Alsheekh,waxaana soo dhaweyeey diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Masar iyo madax katirsan dowladda dalkasi.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa safarkiisa Masar ku wehlinaya Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa shirka uu socon doonaa muddo 2 maalmood ah, iyaddoo lagu gorfeyn doono horumarka ganacsiga Qaaradda Afrika.
Marka laga soo tago Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa shirkaas Masar ka dhacaya ka qeyb gali doona qaar ka mid ah Madaxda wadamada Afrika, waxayna Madaxdasi shirka Gacansiga Africa 2017 Forum ka jeedin doonaan khudbado.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filaya in uu kulamo la yeeshay Madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi qaar kood,kuwaasi oo xiriir uu kala dhexeeya Soomaaliya.
Comments are closed.