
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo soo gabagabeeyay booqasho rasmi ah oo saddex cisho uu ku joogay dalka Talyaaniga ayaa gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Turkiga ayaa ah mid aan horay loo sii qorsheyn, waxaana uu kula kulmi doonaa Istanbul Madaxweynaha Turkiga Receb Tayyib Erdogam.
Waxaa horay u soo baxayay warar sheegayay inuu hoos u dhac ku yimid xiriirka dowladda Turkiga iyo Villa Somalia, tan iyo wixii ka dambeeyay markii dowladda Soomaaliya ka hordhacday kiiskii dilka Jamal khashoggi, kuna taageertay dowladda Sacuudiga in aan lagu faragelin arrimaheeda gudaha.
Qaabkii dowladda Soomaaliya uga hadadhay kiiskii Jamal Kashoggi ayaa la rumeysan yahay in dowladda Turkiga dhibsatay, taasoo sabab u aheyd in Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlutoglu uu ka baaqsado safar uu ku imaan lahaa Muqdisho iyo shirkii Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee dhowaan ka dhacay Muqdisho.
Sidoo kale waxaa aad loo hadal hayay in Madaxweyne Farmaajo uusan sagootin u sameyn safiirkii Turkiga ee Soomaaliya Amb. Olgan Bekar muddo xileedkiisa dhamaaday, waxayna arrimahaas oo dhan soo if bixiyeen in waxoogaa mugdi galay xiriirka dowladda Soomaaliya iyo kan Turkiga.
Si kastaba ha ahaatee is bedelada ka dhacay Gobolka geeska Afrika iyo danaha dowladaha Khaliijka iyo Turkiga ka leeyihiin dalalka kulaala Badda Cas ayaa Soomaaliya ka dhigay meel muhiim ah oo lagu loolamayo.