Madaxweyne farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya kadib markii uu maalmahan booqasho ku joogay Daglka Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii la socday ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ,xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu dalka Turkiga ugu qeyb galay Madaxweyne Farmaajo kullanka Lixaad oo ay yeesheen golaha wakiillada ee Xisbiga haatan talada Dalkaasi haya  ee AK Part, shirkaas oo dhacay  18-kii Bishaan,waxana ka hor turkiga uu sidoo kale tegay dalka Jabuuti oo uu kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle six xal looga gaaro mad madow soo kala dhex galay labada Wada nee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Dhinaca kale Farmaajo ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Ankara ee dalka turkiga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,waxa ayna kawada  hadleen xaalada dalka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha xilligaan ka jira dalka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!