Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho dib ugu laabtay

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Galabta waxaa ay dib ugu soo laabteen Muqdisho,kadib shirar ay uga qeyb galeen dalka Kenya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galay Shirka Dadweynaha iyo Horumarint,waxaana uu kulan doceedyo la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb galay shirka.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa xalay uu kulan xasaasi ah la qaatay dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta,waxana kulankooda ay ku kala saxiixdeen heshiis ay ka mid ahaayeen.

In xiriirka labada dal lagu celiyo sidii caadiga ahayd, Xoojinta xiriirka ganacsiga ee labada dal, Duullimaadka tooska ah ee Muqdisho in dib loogu soo celiyo toddobaad gudahiis, Saraakiisha Dowladda iyo Shaqaalaha Rayidka ah in ay dal ku galka ay ka qaataan Garoomada Nairobi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!