Madaxweyne Farmaajo oo Magacaaabay danjiraha Sacuudiga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Farmaajo oo Magacaaabay danjiraha Sacuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Mudane C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir in uu noqdo Danjiraha dalkeenna u qaabilsan dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudiga.

“Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiim u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha Cusub inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Danjiraha Cusub ee soomaaliya u fadhin doona Boqortooyada sacuudi carabiya ayaa ahaa wasiiru Dowlaha Wasaaradda diinta iyo Awqafta ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u yeeray Danjireyasha Soomaaliya u jooga dalalka Masar iyo suudaan,iyada oo laga dalbaday in mudo todobaad gudaheed ah ay ku yimaadaan Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!