Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Ku Wajahan Dalka Imaaraadka Carabta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Ku Wajahan Dalka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa in Saacaddaha soo socda ay u dhoofan dalka Imaaraadka Carabta.

Ilo ku dhow Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa ay Xaqiijiyeen in Saacaddaha soo socda Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay ka dhoofi doonaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde.

Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegaya in uu salka ku haayo xiisadda dhanka khaliijka ka taagan iyo sidii dowladda Imaaraadka uu kaga dhaacin lahaa go’aanka ay qaadatay Soomaaliya.

Dhanka kale dowladda Dhexe iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaa la sheegay in Bilihii lasoo dhaafay uusan wanaagsaneynin xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Imaaraadka Carabta ku tagayo Safarkii labaad tan iyo markii loo doortay xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya 8 February ee Sanadkaan 2017-da.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!