Madaxweyne Farmaajo Oo La Ogaaday Hoowsha Uu ka wado Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidamada Xoogga oo. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Farmaajo Oo La Ogaaday Hoowsha Uu ka wado Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidamada Xoogga oo.

Muqdisho (Mareeg News) –Madaxweyne Farmaajo oo todobaadkan xafiis iyo hooyba ka dhigtay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa wada dib u habeyntii ugu ballaarneyd ee lagu sameeyo Ciidanka Xoogga Dalka tan iyo Dowladdii Dhexe.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ayaa xaqiijiyey in la dhimay tirada hoggaamada Ciidanka Milatariga ah oo horay u ahayd 22, iyadoona haatan lagu soo koobay 13 hoggaamiye oo qura.

Dib u habeyntan ayaa meesha ka saartay 9 hoggaan oo la sheegay in ay dheeraad ku ahaayeen Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoona la isku cel celiyey hoggaano shaqadoodu isku soo noq-noqoneysay, taas oo meesha ka saartay isdaba-jiidkii ka dhex jiray Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga.

Arrinta kale ee muhiimka ah  ayaa ah, in 10 ka mid ah hoggaanka cusub ee Ciidanka Xoogga laga soo xulay jiilkii dhexe ee Saraakiisha, halka dhammaan Taliye Ku Xigeennada laga dhigay dhallinyaro dhawaan ka soo qalin jabiyey kuliyadaha tababarka Ciidanka, arrinkan oo horseeday fir fircooni iyo xamaasad laga dareemayo xarumaha iyo hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka.

Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan Ciidanka ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan howlihii isku dhafka ciidanka, iyadoona todobaadkan uu Madaxweyne Farmaajo tababar u soo xiray 600 oo Askari oo ka tirsan ciidamada Birmadka, kuwaas oo laga soo xulay dhammaan Dowlad Goboleedyada Dalka.

Ilo ku dhow Ciidanka Xoogga ayaa xaqiijiyey in qorshaha dib u habeynta loo daadajinayo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka heer Urur ilaa heer Unug, ka hor inta uusan Madaxweyne Farmaajo u guurin degmada Afgooye oo la filayo in uu ka hoggaamin doono howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Alshabaab.

Taliyeyaasha Ciidanka ayaa la faray in ay si deg deg ah ugu soo kala shaandheeyaan ciidanka diiwaan gashan ee ku jira shaqada iyo kuwa ka shaqeya howlaha aan la xiriirin ciidanka si liiska ciidannimao looga saaro.

Hannaanka bixinta mushaarka oo horey mad madoow badan uu ka jiray ayaa naloo xaqiijyey in xal u helistiisa meel wanaagsan ay mareeyso, iyadoona laga dhigay mid toos ah oo askariga mushaarkiisu ugu dhacayo koontadiisa xisaabeed, kaddib markii la soo gaba gabeeyo howlaha dib u habeynta diiwaan gelinta oo askari kasta loo diiwan gelin doono hab casri ah oo keydinaya xogtiisa sida calaamadaha suulka iyo indhaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xoogga saaraya howlaha dib u habeynta Ciidanka Qalabka Sida, iyadoona uu garab weyn ka helayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, dalalka IGAD iyo guud ahaan Beesha Caalamka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!