Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxa uu kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa markii uu kulanka soo dhamaaday waxa uu bartiisa Facebooka ku soo qoray in kulankii  dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ay ugu wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya.

“Maanta waxaan magaalada Anakara kula kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaan ka wada hadalnay arrimo ku saabsan caqabadaha iyo guulaha Soomaaliya iyo qaabka dowladda Soomaaliya ay u sameyn karto horumaro balaaran”. Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhinaca kale waxa ay masuuliyiintan sidoo kale uga hadleen kulankooda ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan waxa uu yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!