
Madaxweyanah Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka ay wada qaateen labada dhinac ayaa waxa ay uga wada hadleyn arrimo muhiim ah oo ku saabsan Xaalada Siyaasadeed ee uu dalka marayo Dalka iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen ka gudbida caqabaddaha horyaalla Dowladda Soomaaliya.
Waxaan maanta kula kulmay magaalada Ankara Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursaddaha iyo caqabadaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna.