Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhigiisa Ereteriya

Read Time:55 Second

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, ayaa waxaa si diirran halkaasi ugu soo dhaweeyey dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki.

Labada Madaxweyne oo kulan saacado socday ku qaatay Madaxtooyada
Asmara ayaa iska xog-waraystay dadaallada wadajirka ah ee labada dal
ay ku xoojinayaan xiriirkooda walaaltinimo iyo xaaladaha u danbeeyey
ee la xiriira xasilloonida amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee Gobolka.

Madaxweyne Afwerki ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga wehelinaya aqbaaladda martiqaadka uu u fidiyey, isagoona tilmaamay in is-dhaafsiga booqashooyinka heer Madaxeed ee Soomaaliya iyo Ereteriya ay adkeysay kalsoonida iyo wax-wada-qabsiga labada dowladood.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga
mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Ereteriya soo dhaweynta
diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo
wafdigiisa.

Madaxweyna Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminaayo oo muddo laba cisho ah booqanaya dalka Eretriya ayaa lagu wadaa in madaxda dalkaasi ku lafa-guraan sidii loo dardargelin lahaa
dhismaha hannaanka iskaashiga diblumaasiyadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee labada dal, kaas oo ay Madaxdu isku afgarteen bartamihii sanadkii
2018-kii.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %