Madaxweyne Farmaajo oo kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha K/Galbeed * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Farmaajo oo kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha K/Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan gaar ah Xarunta Madaxtooyada kula qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis  Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Kulanka oo saacado ah socday ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashada ka dhacaya Soomaaliya bilowga sanadkaan 2021, xili uu weli muran ka taagan yahay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in kulanka looga hadlay sida looga gudbi karo caqabadaha hortaagan qabsoomida doorashada 2021 iyo qodobo kale oo qorsheysan oo faah faahin intaas ka badan laga helin.

Wada hadalada xalay u bilowday Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa inuu ku soo biiro Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan Magaalada Garoowe.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Maanta oo Isniin ah kusoo wajahan Muqdisho, waxaana markii uu Qoorqoor soo gaaro Caasimadda uu kulan la qaadan doonaa Madaxweyne Farmaajo, kaasi oo looga hadli doono arrimaha doorashada dalka ka dhacaya.

Si kastaba Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa horey u shaaciyay inay diyaar u yihiin qabashada doorashada, isla markaana aysan wax muran ah ka qabin doorashada, xili ay Musharaxiinta iyo Madaxda dowladda isku hayaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.