Madaxweyne Farmaajo oo ku soo laabtay Muqdisho

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka soo duulay Magaalada Jabuuti oo Xalay kulamo uu kala qaatay Madaxda Dalka Jabuuti, kuwaasi ou uu kala soo sheekeysatay howlgallada Al Shabaab.

Madaxweyne Farmaajoa ayaa sidoo kale kulamo khuseeya howlgalka AMISOM la soo yeeshay Dalka Burundi, kadib markii uu booqasho ku tagay Dalkaasi.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in Burundi ay cadaadis xoogan kala kulmeyso Ururka Midowga Afrika kadib markii Burundi lagu wargeliyay in la dhimayo kun ka mid ah askarta ka joogta Somalia.

Dowladda Burundi ayaa ka soo horjeeda qorshaha lagu dhimayo Ciidenkeeda, taasi oo keentay in ay casuumaad u fidiyaan Madaxweynaha Soomaaliya.