Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Dhawaaqay Saddex Maalmood Oo Baroordiiq Qaran Ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Dhawaaqay Saddex Maalmood Oo Baroordiiq Qaran Ah

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay Saddex maalin oo baroordiiq Qaran ah isla markaana loo sameynayo dadkii wax ku noqday Qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale amray Madaxweyne Farmaajo in hoos loo dhigo Calanka Soomaaliya.

“Weerarkaan waa musiibo qaran oo aan ku waynay muwaadiniin aan waxba galabsan. Sidaas darteed, waxa aan ku dhawaaqaaya sadex maalmood oo baroordiiq qaran ah, calankana hoos loo dhigo”ayuu yiri Farmaajo

Ilaa iyo hada lama ogga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Soobe balse ilaha Caafimaadka waxa ay sheegayaan in ku dhawaad 40 qof ay dhinteen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!