Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Maqaamka Muqdisho

Read Time:38 Second

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda federaalka ay dhamestirtay  hindise sharciyeedka doorashooyinka iyo dib u eegista Sharciga Xisbiyada siyaasadeed oo muhiim u ah geedi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.

Waxaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo sheegay in Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ka wada xaajoon doonaan qaab dhismeedka Maqaamka Caasimadda iyo dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka dalka.

Arrinta la xiriirta maqaamka Caasimadda ayaa Madaxweyne farmaajo markii ugu horeysay uu ka hadlay,waxaana Dowladihii dalka soo maray iyo tan hadda jirta aysan ku guuleysan in la helo Maqaamka Caasimadda iyo hanaanka ay federaaleynta ku dhex yeelaneyso.

Guddoomiyihii hore ee Gobolkan Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa mar soo hadal qaaday arrimo la xiriira maqaamka Caasimadda, hayeeshee khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Xukuumadda uu xilkiisii ku waayay.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.