Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay iscasilaadii Guddoomiye Jawaari * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay iscasilaadii Guddoomiye Jawaari

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Guddoomiye Jawaari, tanaasulka uu sameeyey iyo go’aanka shuruud la’aanta ah ee uu u qaatay danta dalka.

Madaxweynaha oo shir jaraa’id ay si wada jir ah u qabteen Guddoomiyaha xilka iska casilay ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kula dar daarmay in uu sii wado dadaallada uu ku bixinayo dowlad dhisidda Soomaaliya.

“Waxaan ku dhiirrigelinayaa Mudane Jawaari inuu halkiisa kasii wado dadaallada uu ku bixinayo dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan qabyo tirka Dastuurka, waxaana dowladda iyo shacabkaba ka filayaan talo bixin iyo toosin joogta ah.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, muddadii dheerayd ee uu u soo shaqeeyay dalka iyo waqtiga uu ku bixiyey dowladnimada.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay sii labo laabto dadaalkeeda, maadaama ay horyaallaan hawlo culus oo ay kamid yihiin sugidda amniga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, Baarlmaanka waxa uu u jeediyey in ay dardar geliyaan meel marinta hindise sharciyeedyada ay xukuumadda u soo gudbisay ee ahmiyadda u leh howlaha dowladda iyo in ay kor joogteeyaan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan dowladdooda, ayna la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgalyada.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!