Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geeridii Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geeridii Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Wasiirkii Hore ee  Gaashaandhigga Soomaaliya Janaraal Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr oo ku geeriyooday magaalada Nayroobi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Marxuumku uu muddo dheer u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo soo noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer, isagoo billad ku qaatay difaaca Qaranka sannadkii 1964-tii. Sidoo kale waxa uu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimadeenna oo xilal muhiim ah uu ka soo qabtay Dowladdii Ku-meel-gaarka ahayd.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.