Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay doorashada Boris Johnson

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo ku guuleystay doorasho ka dhacday dalkaas.

Qoraal uu Madaxweyne Farmaajo soo dhigey Bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay in Ra’iisul Wasaare Boris Johnson & Dowladdiisa ay yihiin Saaxiibo muhiim u ah Soomaaliya ayna garab taagan yihiin.

”Guusha doorashada. Boqortooyada Midowday (UK) waa saaxiibo muhiim ah oo saaxiibo la ah Soomaaliya, hogaamiyaha Boqortooyada Ingiriiska, waxaan rajeyneynaa inaan la shaqeyno si aan u sii xoojino xiriirka labada dal ayuu yiri”Madaxweyne farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada UK Boris Johnson ayaa Magaalada Muqdisho booqasho ku yimid 15-kii Bishii Maarso ee Sanadkii 2017,isaga oo xiligaas ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda UK,waxaana uu la kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo .

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!