Madaxweyne Farmaajo Oo Hambalyo U Diray Ciidamada Booliska Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Farmaajo Oo Hambalyo U Diray Ciidamada Booliska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray dhammaan Ciidammada Booliska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda 20-ka December awgeed oo ku beegan sannad-guuradii 74-aad tan iyo markii la aasaasay Ciidammada Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amaanay Ciidamada Booliska Soomaaliya doorka ay ku leeyihiin hormarka Bulshada iyo amniga, wuxuuna sheegay inay yihiin Halyeeyo xaalado kala duwan oo dalka uu soo maray kusoo shaqeeyay una dhabar adeegay sidii shacabka ay u heli lahaayeen xasilooni.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ka mid ah Awooda Ciidan ee qaranka kuwaas oo soo maray Burbur xooggan hasayeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa didaalo dheeraada ku bixinaysa Xoojinta iyo qalabaynta Ciidamada Booliiska Qaranka Soomaaliyeed.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!