Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Magaalada Riyaad + Sawirro
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Sooamaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray Magaalada Jidda ee Dalka Sacuudiga iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jidda ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudiga oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya Maxamed Bin Cabdul Fani Qiyaad.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa lagu wadaa in uu la kulmo Boqorka Dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, iyaga oo ka wada hadlaya arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal.
Waa Safarkii Saddexaad ee uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tago dalka Sucuudi Carabiya tan iyo markii la doortay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya .
Comments are closed.