Madaxweyne Farmaajo oo furay kalfadhigii labaad ee Baarlamanka federaalka Somalia * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Farmaajo oo furay kalfadhigii labaad ee Baarlamanka federaalka Somalia

Kalfadhigii labaad ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana si rasmi ah u furay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Furitaanka kalfadhigan ayaa waxaa sidoo kale qeyb galay madaxda dowlad goboleedyada dalka qaarkood xubno ka tirsan beesha caalamka, maamulka gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Waxaaa kulankaan ugu horeyn ka hadlay guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari oo sheegay in kalfadhigan labaad ay hor yaalaan ajendayaal muhiim ah oo uu ka mid yahay wax ka bedelka iyo qabyo tirka dastuurka Somalia.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa iyana khudbado ka jeediyey furitaanka kalfadhigan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo ka mid ahaa madaxdii khudbadaha ka jeedisay furitaanka kalfadhigan ayaa ka codsaday xildhibaanada baarlamanka in la cadeeyo maqaamka Muqdisho.

Madaxweyne farmaajo oo ugu dambeyn jeediyey khudbad dheer oo arrimo badan taabaneysay ayaa ka waramay waxqabadka dowlada.

Waxaa uu sheegay in dowladu ku guuleysatay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xakameynta hubka sharci darada ah ee shacabka lagu dhibaateyn jiray, joogteynta mushaharka ciidamada, shaqaalaha iyo hey’adaha dowladda, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo arrimo kale.

Waxaa uu sheegay iney jiraan caqabado hor taagan balan-qaadyo badan oo aan u qabsoomin, kuwaasoo uu sheegay iney u baahan yihiin dedaal iyo iskaashi ballaaran si looga gun gaaro.

Khudbada Madaxweynaha oo taabaneysay arrimo badan oo khuseeya gudaha dalka iyo xiriirka caalamiga ah ayaa iyadoo faahfaahsan waxaanu idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena soo socda insha allaah

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!