
Read Time:22 Second
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Mudane Farmaajo ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho kadib shir uu Magaalada Asmara kula soo yeeshay dhigiisa dalkaas Isaias Afwerki.
Madaxweyne Farmaajo ayaa socdaalkiisa Asmara ka hor waxuu shir ugu qeyb galay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.
Shirkii ka dhacay Magaalada Qaahira ayaa ahaa mid looga hadlayey rabashadaha ka dhacaya dalka Suudan.
https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/videos/2423134404624960/