Madaxweyne Farmaajo Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Waxaa galabta Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay Wafdi uu hogaaminaayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo Safar ku tagay Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayada oo aysan jirin wax soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen Mas’uuliyiint dowlada Soomaaliya ee isugu jirta Wasiiro, iyo Xildhibaanada 2-Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa safar 2 Maalin ah ku  qaatay dalka Sucuudi Carabiya halkaasi oo u kulamo looga hadlay Ajandayaal kala duwan oo quseeyay Soomaaliya iyo dalka Sucuudiga uu ku la qaatay Boqorka Dalkaasi Boqr Salmaan Binu C/casiis Al Sacuud iyo Mas’uuliyiinka kale.

 

 

 

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia