Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay go’aanka G/Shacabka ee Kalsooni kala-noqoshada Ra’iisul Wasaaraha

Read Time:57 Second

Muqdisho, Luuliyo 25, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo waxaa soo gaaray go’aanka ay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee codka kalsoonida ay kagala noqdeen Xukuumadda Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynuhu waxa uu muhiim u arkayey midnimada hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladdan aan ku jirno, balse isagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, tixgelinayana awoodda Dastuuriga ah ee Golaha Shacabka, wuxuu aqbalay go’aanka Golaha Shacabka.

“Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.”

Madaxweyne Farmaajo wuxuu si degdeg ah usoo magacaabayaa Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah, siina xoojisa adeegyada bulsho ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda wuxuu uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay iyo wadashaqeyntii wanaagsanayd ee uu la lahaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo u rajeeynaya horumar iyo mustaqbal wanaagsan.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %