Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Afur Ah U Sameeyay Gudoomiyeyaashii Hore Ee Degmooyinka G/Banaadir + Sawirro
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Madaxtooyada Soomaaliya kulan afur ah ugu sameeyay Gudoomiyeyaashii hore ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa la isku weydaaraaday aragtiyo xaalada dalka ku saabsan iyo Mustaqbalka Gudoomiyeyaasha maadama ay waayeen xilalkoodii.
Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaashii hore ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka mahad celiyay afurka uu Madaxweynaha u sameeyay iyo sida wanaagsan uu u soo dhaweeyay.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyeyaasha uga mahadceliyay shaqadii ay Qaranka usoo qabteen iyo sideey ay usoo dhabar adeegeen wuxuuna Madaxweynaha u sameeyay balan qaad ah Gudoomiyeyaasha in aysan dawladda dayaci doonin.
Comments are closed.